Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Aadan Sheekh Maxamuud Sheekh Haaruun oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Friday December 04, 2020 - 21:59:07
0 Comments
923
Xisbiga WADDANI
 
TACSI GUDDOOMIYE
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Sheekh Aadan Sheekh Maxamuud Sheekh Haaruun oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah tacsi ugu dirayaa Cabdiraxmaan Sheekh Aadan oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI oo uu marxuumku aabihii ahaa.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Barkhad Jaamac Batuun



Leave a comment