Guddoomiye Cirro ayaa kormeeray goobaha diwaangelinta codbixiyeyaashu ka socoto ee magaalada Boorama, degmada Dila iyo deegaano ka mid ah gobolada Awdal iyo Gabeliy oo maalintii labaad diwaangelintu ka socoto.

Monday November 30, 2020 - 23:12:35
0 Comments
682
Xisbiga WADDANI
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa kormeeray goobaha diwaangelinta codbixiyeyaashu ka socoto ee magaalada Boorama, degmada Dila iyo deegaano ka mid ah gobolka Awdal oo maalintii labaad diwaangelintu ka socoto.

Hawl-wadeennada goobaha diwaangelinta iyo muwaadiniinta qaadanaya kaadhka codbixinta ayaa guddoomiyaha iyo weftigiisa uga xog-warramay sida bulshadu u danaynayso kaadhka waxaanu bulshada ku dhiiri geliyay in ay qaataan kaadhka codaynta si ay u gudan karaan xaqooda doorashada.


Guddoomiyaha waxa kormeerka ku wehelinayay Musharraxa madaxweyne ku xigeen Maxamed Cali Aw Cabdi, xoghayaha arrimaha gudaha Maxamed Faarax Cabdi, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Cabdirashiid Cabdi Jaamac, Afhayeenka xisbiga Barkhad Jaamac Batuun, xoghayaha arrimaha bulshada Maxamed Sidiiq Dhamme iyo masuuliyiin kale.

Geesta kale Guddoomiyaha xisbiga oo ay weheliyaan xoghayaha xannaanada Xoolaha Dr Axmed Shukri, Mudane Xamse Khayre oo ka mid ah saraakiisha xisbiga iyo masuuliyiin kale ayaa kormeeray goobaha diwaangelintu ka socoto ee gobolka Gabiley.

Goobahan oo ay ka mid yihiin magaalooyinka Gabiley iyo Arabsiyo ayay diwaangelintu si habsami ah uga socotay iyada oo aanay bulshada iyo hawl-wadeennada diwaangelintu wax caqabad ah sheegin marka laga reebo in bulshadu dalbanayso wakhti dheeraad ah in loogu daro maalmaha kooban ee diwaangelinta.



Leave a comment