Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali X. Xasan ayaa si adag uga hadlay xayiraadda shirkadaha Fly Dubai, Al-carabiya iyo socdaalka madaxweyne Biixi ee gobollada dalka

Monday October 19, 2020 - 13:48:00
0 Comments
559
Xisbiga WADDANI
"Waxaad aragtaan shirkadihii diyaaradaha ee Fly Dubai iyo Al-carabiya oo la joojiyay oo markii horena sifo maamul lagu joojiyay markii waayeelkii iyo hoggaanka umaddu u tageen madaxweynaha ee kala hadleena waad arkayseen in la marin habaabiyay oo laga dhigay arrin aan khusayn ba(madaxweynaha) oo Golaha Wasiirrada la geeyay, Golaha Wasiirrada waa la yaqaan shaqadiisa oo wuxuu ansixiya xeerarka, miisaaniyadda iyo waxyaabaha guud ee Qaran ee goleyaasha loo gudbinayo laakiin, arrimaha maamul madaxweynaha isaga loo doortay dalka ee haddii uu yidhaa waxaan ku wareejinaya Golaha Wasiirrada waxay u muuqata in uu indhaha ka ridayo oo damcay in uu diido oo damcay in uu iskaga dhigo odayaashii iyo dadkii u yimid ee kala hadlayay in uu isaga dhigo,’ hoggaamiyaha xisbiga WADDANI ayaa sidaas yidhi




Waxa uu intaasi raaciyay "Waxaa Ayaan darro weyn ah in garoonkii diyaaradaha ee maalintii uu (Madaxweynuhu) xilka la wareegay camirnaa ee diyaaraduhu is dhaafayeen ee cashuurta malaayiinka ahi ka soo galaysay in uu maanta waaqla yahay oo hal diyaarad oo isaga loo tiirinayo u daayay iyo laba diyaaradood oo kale oo sifo aan joogto ahayn ku yimaadda. Waxaad ogtihiin in duruufta Somaliland ku jirto u baahan tahay in ay Dunida ku xidhanto diyaaraduhuna waa waxa Dunida inagu xidhaya waliba marka ay diyaarad caalami ah tahay oo dal leeyahay tahay way ka muhiimsan tahay.”

"Aniga oo aan cadaawad u sheeganayn Soomaaliya haddana tartanku bani’aadamka wuu ka dhexeeya ee waxa runtii guuldarro weyn ah in madaarkeenii kaas yahay Muqdisho-na ay maalin walba 93 duullimaad ka deggaan oo qaar caalami ah ku jiraan oo ay ka mid tahay Turkish Airline oo ay Ethiopia Airline ka mid tahay, Qatar Airline iyo qaar kale. Waxa muuqata in madaxweynuhu handaraabkii uu sheegayay dalkii ula badheedhay oo uu dabad iyo gudaba ugu talo galay in uu maalin bam eel soo xidho,”
"Waxa muuqatay in Saylici iyo Meesha uu ka soo jeeday la yidhi waa la idinka guuray oo meel kale ayaa loo guuray waana si dadka shicibka ah madaxa la isugu geliyo, imikana waxa muuqata Burco in la leeyahay dadkii u codeeyay waa laga guuray oo dad kale ayaa loo guuray caawana madaxweynuhu Oodweyne ayuu u hoyanaya maxaa yeelay qoladaa looma baahna mana ah in qolada loo tagay wax loo qabanayo ama aanu ka xunnahay laakiin qolana wax loo qaban maayo ee waa in iyaga la isku garaaco oo waa qaybi oo xukun oo iyaga madaxyadooda isku garaac waxaanu leenahay umadda ma dhaqdo sidaasi kaama gaydo wax ka weyn ayaa la idinka sugayay oo barmaamijkiinii aad umadda u soo bandhigteen meeshii la taabtaba waa boog,’


Leave a comment