TACSI Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, iyo asxaabta, ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Sahra Xaashi Cali oo degmada Hara-sheekh ku geeriyootay.

Tuesday March 19, 2024 - 09:44:42
0 Comments
40
Xisbiga WADDANI
TACSI Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, iyo asxaabta, ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuummad Sahra Xaashi Cali oo degmada Hara-sheekh ku geeriyootay. Musharraxu waxa uu geerida Marxuumadda si gaar ah uga tacsiyaynaya Agaasimaha Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADDANI Mudane Siciid Xaashi Cali oo ay walaashii ahayd iyo dhammaan qoyska balaadhan ee ay ka baxday. Musharraxu waxa uu Marxuumadda Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoysaska, ehelada, qaraabada iyo asxaabta ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. Sida oo kale waxa agaasimaha Xarunta Dhexe tacsi taa la mid ah u diraya Xoghayaha Xisbiga Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Agaasime kuxigeenka Xarunta Dhexe Mudane Khadar Xasan iyo dhammaan hawl wadeennada Xarunta Dhexe oo marxuumadda Illaahay uga baryaya in uu u naxariisto agaasimaha iyo ehelkana Samir iyo iimaan ka siiyo. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون Af-hayeenka Xisbiga WADDANI Mudane Maxamed Faarax Cabdi May be an image of map and text

Leave a comment