TACSI Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, asxaabta, waxgaradka, bahda dhaqanka iyo guud ahaan bulshada SL ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Ibraahim Cige Ismaaciil (Qoordheere)oo Caawa Ku geeriyooday Ceerigaabo.

Sunday March 17, 2024 - 23:14:36
0 Comments
57
Xisbiga WADDANI
TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, asxaabta, waxgaradka, bahda dhaqanka iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Suldaan Ibraahim Cige Ismaaciil (Qoordheere) oo Caawa Ku geeriyooday Magaalada Ceerigaabo. Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu u naxariisto, su'aasha u fududeeyo, dambigiisa dhaafo, Jannatul Firdowsa na ka waraabiyo; qoyska, ehelka, qaraabada iyo bahda dhaqanka ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون Afhayeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi May be an illustration of ticket stub and text

Leave a comment