TACSI Musharrax Cabdiraxmaan Cirro, musharrax madaxweyne kuxigeen Maxamed Cali iyo guddoomiye Xirsi Cali X Xasan oo ku hadlaya Afka xisbi Weynaha WADDANI ayaa si wada jira tacsi tiiraanyo leh ugu diray qoyska uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Rooble Ci-dheere.

Wednesday March 06, 2024 - 17:42:01
0 Comments
47
Xisbiga WADDANI
TACSI Musharraxa madaxweynaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), musharrax madaxweyne kuxigeen Amba. Maxamed Cali Aw Cabdi iyo guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali X Xasan oo ku hadlaya Afka xisbi Weynaha WADDANI waxay si wada jira tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaan qoyska, ehelada, asxaabta, waayeelka iyo guud ahaan bulshada uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Rooble Ci-dheere oo magaalada Hargeysa ku geeriyooday maanta. Hoggaanka Xisbiga WADDANI waxay geerida marxuumka si gaar ah uga tacsiyeynayaan Marwo Xaawa Rooble Ci-dheere oo uu walaalkeed ahaa, Xildhibaan Mukhtaar Maydhane oo uu abtigii ahaa iyo dhammaan qoyska balaadhan ee uu ka baxay. Masuuliyiintu waxa ay marxuumka Illaahay uga baryayaan in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, ehelka, qoyska iyo ummadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون Afhayeenka Xisbiga WADDANI Maxamed Faarax Cabdi May be an illustration of text

Leave a comment