Guddoomiyaha Ku Meelgaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Md Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, asxaabta, bahda caafimaadka iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Dr Mustafe Xuseen Xirsi (Mustafe Khamriile) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa

Saturday October 10, 2020 - 09:02:59
0 Comments
691
Xisbiga WADDANI

TACSI

Guddoomiyaha Ku Meelgaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Md Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka guddoomiyaha xisbiga, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, bahda caafimaadka iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Dr Mustafe Xuseen Xirsi (Mustafe Khamriile) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Guddoomiyuhu wuxuu marxuumka ku siifeeyay shakhsi samatalis ah oo karti iyo dadaal badan ku astaysna, noloshiisana u soo huray u samafalidda bulshadiisa, islamarkaana wax badan ka qabtay mihnimada caafimaadka oo uu muddo dheer ku dhex jiray wax badana taray dadka nugul ee baahida u qabay taageerada caafimaad.

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga WADDANI wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun





Leave a comment