Guddoomiyaha Ku Meelgaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Md Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qaranka Somaliland iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Prof Cali Khaliif Galaydh oo maanta ku geeriyooday Jigjiga

Thursday October 08, 2020 - 15:12:59
0 Comments
700
Xisbiga WADDANI

TACSI

Guddoomiyaha Ku Meelgaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Md Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirdeisaga oo ku hadlaya magaciisa, ka guddoomiyaha xisbiga, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, Qaranka Somaliland iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Prof Cali Khaliif Galaydh oo maanta ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta dawlad degaanka Soomaalida.

Guddoomiyuhu wuxuu marxuumka ku siifeeyay shakhsi miisaan iyo mudnaan ku lahaa Qaranka Somaliland iyo guud ahaan bulshada Soomaalida, noloshiisa oo dhanna u huray horumarintooda haddii ay aqoon tahay iyo haddii ay xilalka uu soo qabtay oo uu si hagar la’aan ah u gutay tahayba. Waxa uu ahaa shakhsi nabadeed oo ku weyn quluubta dadkiisa.

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga WADDANI wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan umadda uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

   Barkhad Jaamac Batuun






Leave a comment