Agaasimaha Xarunta Dhexe Mudane Cabdiraxmaan Cartan, xoghayaha Xanaanada Xoolaha Dr Axmed Shukri, Xoghaye kuxigeenka Ciyaaraha Filsan Cabdiraxmaan, masuuliyiin ka mid ah hoggaanka Garabka Dhallinyarada iyo Garabka Haweenka, qaar ka mid ah madaxda degmooyinka ee xisbiga iyo masuuliyiin kale ayaa Xarunta Dhexe ku qaabilay dhallinyarada islamarkaana ku boorriyay in ay dardar geliyaan taageeradooda xisbiga.