Xoghayaha guud ee Xisbiga mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa xoghayeyaasha iyo masuuliyiinta garabada Dhallinyarada iyo Haweenka u soo bandhigay Barmaamijka Xisbiga ee doorashada Madaxtooyada 2024 oo xilligan la dhammaystiray. Masuuliyiinta xisbiga ayaa si weyn u lafo-guray barmaamijkan xambaarsan qorshaha isbedel ee xisbigu horseedi doono marka uu talada dalka qabto. Barmaamijka Xisbiga ee doorashada madaxtooyada sanadka 2024-ka ayaa todobaadka dambe lagu ansixin doona fadhiga Hoggaanka iyo Guddida Fulinta ee Xisbiga, kaasi oo bilaw u noqon doona ololaha doorashada ee isbedelka Xisbiga WADDANI bulshada u hayo kuna suntan yihiin meelaha xoogga la saari doono si kor loogu qaado nolosha bulshada iyo dawladnimada JSL.