Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, waxgaradka, waayeelka, asxaabta iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo xaqii ugu yimid magaalada Hargeysa.

Saturday September 12, 2020 - 13:49:07
0 Comments
605
Xisbiga WADDANI
TACSI
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, waxgaradka, waayeelka, asxaabta iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo xaqii ugu yimid magaalada Hargeysa.
Guddoomiyuhu wuxuu Marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa addoon wanaagsan oo samo-talis ah, islamarkaana shaqo badan u soo qabtay bulshadiisa. Waxa uu tilmaamay in uu ahaa masuul si hufan ugu soo shaqeeyay Qaranka xilalkii kala duwana ee uu ka soo qabtay xukumadihii kale dambeeyay ee Somaliland, sidoo kalena udub dhexaad u ahaa hannaankii nabadaynta iyo dawlad fidinta.
Guddoomiyuhu wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo Qaranka uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Barkhad Jaamac Batuun




9

Leave a comment