Xisbiga WADDANI waxa uu maanta Magaalada Hargeysa ku qabtay kulan aqoon korodhsi ah oo la xidhiiha hannaanka wada-shaqeyneyd ee qeybaha kala duwan ee Xisbiga

Tuesday August 25, 2020 - 19:50:21
0 Comments
565
Xisbiga WADDANI

Hargeysa ( WMG ) Xisbiga WADDANI waxa uu maanta Magaalada Hargeysa ku qabtay kulan aqoon korodhsi ah oo la xidhiiha hannaanka wada-shaqeyneyd ee qeybaha kala duwan ee Xisbiga, kulankan waxaa kale oo lagu gorfeeyey xirfadaha maan-carinta ah ee Maamulka waqtiga, kulankan waxaa ka soo qeyb galay Shaqaalaha Xarunta Dhexe ee Xisbiga, Maamulka Gobolka Maroodijeex & Degmooyinkiisa, Garabka Haweenka & Garabka Dhalinyarada, Mas'uuliyiin ka kala socda Xoghayayaasha & Hoggaanka Xisbiga.



Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mudane Khadar Xuseen Cabdi & Xoghayaha Gaarka ah ee Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Cabdilqaadir Iidle ayaa ka qeyb gelayaasha kulanka si qoto dheer ugu sharraxay hannaanka wada shaqeynta waaxyaha Xisbiga iyo dardar-gelinta hawlaha Xisbiga hor yaalla ka hor inta aan la gelin howlaha doorashada ee foodda ku soo haya dalka.



































Leave a comment