Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Maroodijeex Mudane Xamse Ciise , ayaa maanta kulan hadhimo sharafeed ah Hudheelka Hadhwanaag ugu sameeyey Guddoomiyayaasha Xisbiga ee sideeda degmo ee Caasimada Hargeysa

Sunday August 23, 2020 - 19:50:08
0 Comments
556
Xisbiga WADDANI

Hargeysa ( WMG ) 
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Gobolka Maroodijeex Mudane Xamse Ciise , ayaa maanta kulan hadhimo sharafeed ah Hudheelka Hadhwanaag ugu sameeyey Guddoomiyayaasha Xisbiga ee sideeda degmo ee Caasimada Hargeysa, kaas oo ahaa midlagaga wada hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa hawlaha Xisbiga ee Gobolka Maroodijeex, isla markaana loogu diyaar garoobi lahaa diiwaangelinta iyo doorashooyinka isku sidkan ee golayaasha Wakiilada iyo degaanka




Kullanka oo ahaa mid la xidhiidhay dardar-gelinta laamaha Xisbiga ee Gobolka Maroodijeex ayaa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Maroodijeex ,waxa ku wehelinayey Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Iyo Xoghayaha Gobolka iyo Guddoomiyayaasha Garabadda Haweenka iyo Dhalinyaradda,waxaanu ku soo dhammaaday jawi degan iyo sidii loogu talogalay.







Leave a comment