Masuuliyiinta Xisbiga ayaa musharraxiinta Falanqayn qoto dheer kala yeeshay u diyaar-garowga doorashooyinka isku sidkan ee Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka, islamarkaana siiyay xog-warran ku aaddan qabsoomidda doorashada iyo hawlaha ololaha.
Kulanka ayaa si weyn loogu falanqeeyay wixii caqabado jira iyo sidii looga gudbi lahaa waxaana is fahan laga gaadhay hannaanka ololaha iyo sidii Xisbigu guul uga gaadhi lahaa doorashada 31-ka May ka dhacaysa Somaliland, gaar ahaanna Gabiley oo ahmiyad weyn u leh tartanka doorashada.
Madaxda Xisbigu waxa ay Musharraxiinta ku boorriyeen in ay laban-laaban dadaalkooda wakhtiga kooban ee ka hadhsan doorashada, islamarkaana isku duubni muujiyaan.