Guddoomiyaha ayaa daahfuray Xarunta Ololaha ee Musharraxa Golaha Wakiillada Gobolka Togdheer Mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Xaruntan waxa hoos imanaya 110 xafiis olole oo Musharraxu ka furtay deegaannada uu metelayo, islamarkaana ka abaabulayo taageerayaashiisa.
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu xadhigga ka jaray xarunta Ololaha ee Musharrax Xuseen Aadan Cabdi oo ay hoos tagayaan 85 Xafiis oo musharraxu ka furtay deegaannada
taageerayaashiisu ku xooggan yihiin.
Sida oo kale waxa uu guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro xadhigga ka jaray Xarunta guud ee ololaha musharrax Cabdirisaaq Axmed Cali. Xaruntan ayaa laga maamulaya 21 xafiis oo ololaha loogu talo galay.