Guddoomiyaha KMG ee Xisbiga WADDANI Mudane Xil Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, waayeelka, Siyaasiyiinta iyo guud ahaan Bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Shire oo Hargeysa ku geeriyooday.

Monday April 26, 2021 - 21:30:45
0 Comments
553
Xisbiga WADDANI

TACSI

Date:26ka April 2021ka

Guddoomiyaha KMG ee Xisbiga WADDANI Mudane Xil Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka Guddoomiyaha Xisbiga, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta, waayeelka, Siyaasiyiinta iyo guud ahaan Bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Shire oo Hargeysa ku geeriyooday.

Mudane Cabdiqaadir Jirde waxa uu marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa siyaasi haldoor ah iyo tiir weyn oo ka baxay bulshada Somaliland, islamarkaana kaalin mug leh ku lahaa dib u dhiska dalka iyo isku soo dhawaynta Ummadda.Waxa uu ku tilmaamay shakhsi si hufan bulshadiisa ugu soo adeegay muddadii uu siyaasadda ku jiray iyo ilaa wakhtigii Dawladdii Somalia oo uu ka mid ahaa siyaasiyiinta meeqaamka sare kaga jiray.

Guddoomiyaha KMG Waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan bulshada uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

     Barkhad Jaamac Batuun



Image


Leave a comment