Guddoomiyaha KMG ah ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Hoggaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali X Xasan, Xoghaye ku xigeenka guud ee xisbiga WADDANI Mudane Jamaal Jaamac Xaamud iyo Masuuliyiin sarsare oo isugu jira hoggaanka iyo xoghayeyaasha Xisbiga, Garabka Haweenka iyo Masuuliyiinta gobolka Maroodijeex ee Xisbiga ayaa maanta ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu shaacinayay musharraxa Golaha Wakiillada ee gobolka Maroodijeex Musharrax Xuseen Aadan Cabdi Abyan (Xuseen Aadan Cadde).
Monday April 12, 2021 - 11:28:53
0 Comments
618
Xisbiga WADDANI
Munaasibaddan waxa kale oo ka soo qayb galay madax dhaqameed miisaan leh, siyaasiyiin iyo taageerayaasha musharraxa oo tiro badan una muujiyay in ay cod iyo cudud taageero la barbar joogaan.