Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, asxaabta, iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdillaahi Xarbi oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Wednesday April 07, 2021 - 14:10:10
0 Comments
546
Xisbiga WADDANI

Date: 7daApril 2021ka

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, asxaabta, iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdillaahi Xarbi oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay shakhsi samatalisnimo iyo dadnimo wanaag ku astaysna kana mid ahaa dadka doorka weyn ka soo qaatay halganka iyo nabadaynta Somaliland si hufanna ugu soo shaqeeyay bulshadiisa muddadii uu siyaasadda ku jiray oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

    Barkhad Jaamac Batuun

Image

Guddoomiyaha KMG ee Xisbiga WADDANI Xildhibaan Cabdilqaadir Xaaji Ismaciil Jirde isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, asxaabta, iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cabdillaahi Xarbi oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha KMG waxa uu marxuumka ku sifeeyay shakhsi samatalisnimo iyo dadnimo wanaag ku astaysna kana mid ahaa dadka doorka weyn ka soo qaatay halganka iyo nabadaynta Somaliland si hufanna ugu soo shaqeeyay bulshadiisa muddadii uu siyaasadda ku jiray oo uu xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland.

Guddoomiyaha KMG waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun



May be an image of text


Leave a comment