Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu shaacinayay Musharraxa Golaha Wakiillada gobolka Maroodijeex Dr Ciise Kayd Maxamuud, Musharraxa Golaha deegaanka Hargeysa Khadar Maxamed Muxumed Qoorgaab iyo Musharraxa Golaha deegaanka Balligubadle Cumar Cabdi Naaleeye.

Wednesday April 07, 2021 - 10:04:04
0 Comments
557
Xisbiga WADDANI
Guddoomiyaha ayaa taageerayaasha Musharraxiinta iyo beesha ay ka sharraxan yihiin ku boorriyay in ay maal iyo muruq ba la barbar istaagaan musharraxiinta si ay u soo saaraan uguna metelaan goleyaasha Qaranka.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale bulshada ku boorriyay in ay ka faa’iidaystaan maalmaha kooban ee ay socoto qaybinta kaadhadhka codbixinta oo uu tilmaamay in ay maalmihii hore hoosaysay qaadashada kaadhadhku haddana ay tahay in la dardar galiyo.


Guddoomiyaha ayaa sidoo kale baaq u diray Siyaasi Cabdillaahi Darawal oo madashan Beeshiisu ku shaacinaysay musharraxiinta goob joog ahaa "Barigii ay igu soo dhacday in aan Xisbiga sameeyo Cabdillaahi Darawal ayaan u tegay oo aan ku idhi igala qayb-qaado wuu ka cudur daartay, markii uu imika halkan ka hadlayay Ayaan islahaa wuxuu odhan xisbiga WADDANI waan ku soo biiray, laakiin waxaan leeyahay saaxiibkay Cabdilaahi Darawal fursadda Saddexaad yaanay ku seegin,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro.

Leave a comment