munaasabad ballaadhan oo lagu shaacinayay Musharraxa Golaha Wakiillada Dr Ciise Kayd Maxamuud, Musharraxa Golaha Deegaanka Hargeysa Khadar Maxamed Muxumed (Qoor-gaab) iyo Musharraxa Golaha deegaanka degmada Balligubadle Cumar Maxamed Naaleeye.
Munaasabad oo ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, waxaa ka soo qayb-galay madax-dhaqameedka, haween, dhallinyarro, siyaasiyiin miisaan ku leh saaxada siyaasadda Somaliland oo uu ka mid yahay Cabdillaahi Xuseen (Darawal) iyo Taageerayaasha musharraxiinta oo tiro badan.