"Xisbiga Waddani waa xisbi dimuqraaddi ah waana lagu tartama Dhammaan Xilalkiisa waxaan u mahadnaqaya dhammaan inta ii codaysay iyo inta iga codaysayba,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga ahna Musharrax Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Cirro oo u mahadceliyay Xubnaha Golaha Dhexe ee codka siiyay.
Musharraxa madaxweyne ku xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa isna u mahadceliyay Xubnaha Golaha Dhexe ee codka siiyay " Waa Dimuqraaddiyad Aad baan ugu faraxsanahay in cid tidhaa ma ogoli aad iyo aad baan ugu mahadcelinaya ciddii ii codaysay iyo ciddii iga codaysay ba. Waad na doorateen ee ducadana noogu dara.”