TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, xildhibaannada baarlamaanka, iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi oo Turkiga ku geeriyooday

Saturday March 20, 2021 - 11:11:47
0 Comments
483
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, asxaabta, xildhibaannada baarlamaanka, iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi oo Turkiga ku geeriyooday.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay shakhsi dadnimo badnaa oo si xilkasnimo leh ugu soo shaqeeyay bulshadiisa muddadii uu xilalka kala duwan ka soo qabtay Somaliland iyo hadda oo uu ka mid ahaa mudaneyaasha Golaha Guurtida.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

   Barkhad Jaamac Batuun



No photo description available.


Leave a comment