TACSI GUDDOOMIYE
Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, asxaabta, waayeelka, bahda dhaqanka iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Siciid Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi oo Hargeysa ku geeriyooday.
Guddoomiyuhu waxa uu geerida marxuumka si gaar ah uga tacsiyaynaya Qoyska reer Suldaan iyo dhammaam qoyska, ehelka iyo qaraabada uu ka baxay Marxuumku.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
Barkhad Jaamac Batuun