TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, asxaabta, waayeelka, bahda dhaqanka iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Boqor Cali Xuseen Hayaan oo Hargeysa ku geeriyooday.

Friday March 12, 2021 - 11:21:19
0 Comments
764
Xisbiga WADDANI
TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, asxaabta, waayeelka, bahda dhaqanka iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Boqor Cali Xuseen Hayaan oo Hargeysa ku geeriyooday.


Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay shakhsi dadnimo iyo samatalisnimo ku astaysna oo doorweyn ku lahaa wanaagga iyo wadajirka Somaliland. Guddoomiyuhu waxa uu geerida marxuumka si gaar ah uga tacsiyaynaya wiilkiisa Faysal Boqor Cali Xuseen iyo dhammaam qoyska, ehelka iyo qaraabada uu ka baxay Marxuumku.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
   Barkhad Jaamac Batuun
Image

Leave a comment