TACSI GUDDOOMIYE Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, asxaabta, waayeelka iyo waxgaradka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Cumar Ibraahin (Dayuur) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Wednesday March 03, 2021 - 08:29:17
0 Comments
466
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelka, asxaabta, waayeelka iyo waxgaradka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Aadan Cumar Ibraahin (Dayuur) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay shakhsi qiimo weyn ku lahaa Somaliland kaalin mug lehna ka soo qaatay halgankii dalka, dib u dhiskii iyo nabadayntii Somaliland, kuna suntana odaynimo iyo ilaalinta wada jirka ummadda.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Illaahay uga baryaya in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada, asxaabta, waayeelka iyo guud ahaan bulshada Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.



Leave a comment