Munaasibadda Shaacinta Musharrixiinta Xisbiga WADDANI ayaa waxa uu ku Guddoomey 43 Musharrax oo isugu jira Wakiilo & Deegaan oo dhammaantood lagu soo bandhigay Munaasibaddii, isla markaana ay ka soo qeyb galeen kumannaan taageerayaasha iyo haldoorka deegaanadaas ka soo jeeda.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) , Hoggaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali, Xubno ka tirsan Hoggaanka Xisbiga, Guddida Fulinta, iyo Xoghayayaasha Xisbiga ayaa ka soo qeyb galay Xafladda Shaacinta Musharrixiinta, iyada oo halkaa laga jeediyey Khudbado ruxay dareenka Shacabka Gobolka Togdheer.
Munaasibadda Shaacinta Musharrixiinta ayaa ahayd xaflad wada-reed balaadhan oo uu Xisbiga WADDANI ku soo bandhigayey cudduddiisa taageero ee uu ku leeyahay Gobolka Togdheer iyo deegaanada hoos taga.
Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI.