Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Diray Ciidamada Qaranka

Tuesday February 02, 2021 - 09:21:32
0 Comments
717
Xisbiga WADDANI
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya Magaca Fulinta Xisbiga, Garabbada Dhallinyaradda iyo Haweenka ee Xisbiga WADDANI, laamaha dibedda iyo Guddoomiyeyaasha Gobollada dalka waxa uu Hambalyo u dirayaa Xuska Sannad guurada 27-aad ee Aas-aaska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa uu munaasibadda sanad guurada ugu hambalyaynaya guud ahaan Ciidanka Qaranka haweenkooda, caruurtooda iyo qoysaskoodaba.


Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI waxa uu ku sifeeyey Ciidanka Qaranku in ay yihiin laf-dhabarta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ku taagan tahay, heeganna ay u yihiin difaaca dalkooda deyrna u yihiin dadkooda, islamarkaana Ciidanka Qaranku yahay cudud cadowga lagaga gam'o.

Guddoomiyaha Xisbigu waxa uu xusay in Xisbiga WADDANI mar walba xurmo iyo xushmo weyn u hayo ciidanka Qaranka, qorshaha siyaasaddeed ee Xisbiga WADDANI uu yahay in Ciidanka Qaranka daryeelkooda, mushaharkooda iyo manfacoodaba la kordhiyo si noloshoodana loo ilaaliyo, isla markaana guryo gaar u ah qoysaska ciidanku ay u helaan. Guddoomiyuhu waxa uu ugu dambeyn Alle ugu baryayaa ciidankeenna in sannadkan-kiisa ku gaadhsiiyo Nabad iyo Horumar.
Alaa Mahad Leh

Barkhad Jaamac Batuun
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
No photo description available.Image may contain: text

Leave a comment