HAMBALYO SANNADKA CUSUB EE 2021 |
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi "Cirro"isaga oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanka sarre ee xisbiga, fulinta xisbiga, garabada haweenka iyo dhallinyaradda xisbiga, Guddoomiyayaasha Goboladda Xisbiga, Laamaha dibadda iyo dhammaan taageerayaasha Xisbiga, waxa uu Munaasibadda Sannadka cusub ee Miilaadiga 2021 awgii uu Hambalyo, u dirayaa guud ahaanba shucuubta Caalamka gaar ahaana Shacbi weynaha Somaliland Meel kasta oo ay daafaha dunida ka Joogaan.
Guddoomiyuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa in uu Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo barwaaqo iyo baadhaadhe nololeed
Intooda buktana Alle bogsiigo intooda barwaaqeysanna Alle barakeeyo.
"Sannad wacan oo wanaagsan" 2021
Barkhad Jaamac Batuun
Af-hayeenka Xisbiga WADDANI
