Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, asxaabta iyo Qaranka Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Maryam Muuse Xaaji Adam oo Magaalada Burco ku geeriyootay.

Thursday December 31, 2020 - 23:33:57
0 Comments
498
Xisbiga WADDANI

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, asxaabta iyo Qaranka Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Maryam Muuse Xaaji Adam oo Magaalada Burco ku geeriyootay.

Guddoomiyuhu wuxuu ku sifeeyay Marxuumadda addoon wanaagsan oo u gargaari jirtay dadka jilicsan.

Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah tacsi ugu dirayaa Cabdiraxmaan Muuse Xaaji Adam ( oo ku magac dheer Cabdiraxmaan Cirro) kana mid ah taageerayaasha xisbiga WADDANI ee dalka UK ahaana marxuumadda walaalkeed.

Guddoomiyuhu wuxuu Illaahay uga baryayaa Marxuumadda in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, qoyska, ehelka, qaraabada iyo asxaabta ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

   Barkhad Jaamac Batuun

No photo description available.



Leave a comment