Weftiga uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa maanta socdaal ku galaa-bixiyay deeggaanada Caynaba, Oog, Wadaamogoo, Qorilugud iyo deegaannada hoos taga.

Tuesday December 29, 2020 - 08:25:12
0 Comments
603
Xisbiga WADDANI
Madaxda xisbiga WADDANI ayaa ku hawlan dardar gelinta diwaangelinta codbixiyeyaasha waxaanay bulshada ku baraarujiyeen in ay si mug leh isu diwaangeliyaan si ay doorashada uga qayb galaan, islamarkaana u muujiyaan cududda bulshada ku nool deegaannadooda.
Weftigan oo ay qayb ka yihiin hoggaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali X Xasan, Guddoomiye xigeenka 2-aad Mudane Saleebaan Ducaale X Jaamac, Guddoomiyaha Garabka Haweenka Marwo Foosiye Kayse iyo masuuliyiin kale ayaa maalmihii u dambeeyay deegaannada Bariga Somaliland ka waday wacyigelinta diwaangelinta Codbixiyeyaasha.
 

Leave a comment