The Party's Membership
Sida uu dhigayo Qoddobka 5.aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI
- Waxa Xisbiga xubin ka noqon kara muwaadin kasta oo u dhashay Somaliland oo qaangaadh ah, xiskiisuna u dhan yahay.
- Xubinnimada Xisbigu waa shakhsi umana gudbi karto cid kale lamana kala dhaxli karo.
- Waxa xubin noqon kara xubnaha Hoggaanka xisbigu u arkaan I nay Xisbiga u leeyihiin waxtar wax ku ool ah kuwaas oo la siinayo kaadhka xubin sharafeedka.
Qoddobka 6.aad ee Shuruudaha xubinnimada:
Waxaa ka mid noqon kara Xisbiga WADDANI qof kasta oo Somalilander ah oo aaminsan mabaadii’ida Xisbiga kuna dhaqma xeerkiisa, buuxiyeyna shuruudaha hoos ku qoran:
- In uu yahay muwaadin u dhashay Somaliland.
- In aanay da’diisu ka yaraan 15 sano.
- In uu caqli ahaan fayow yahay.
- In uu codsi qoraal ah oo xubin-ka-noqosho ah soo gaadhsiiyo xafiiska Xisbiga WADDANI degmada, gobalka uu degen yahay ama laanta ugu dhow ee dibedda.
- In uu yahay qof ku sifoobay akhlaaq iyo dhaqan wanaag.
- Inaanu xubin ama taageere u ahayn Xisbi kale
- In uu bil kasta bixiyo lacagta xubinimada Xisbiga.