WADDANI Party

Xisbiga WADDANI, waxa uu ka dhashay dareen iyo go’aan ah in dib loo culo weelka siyaasadda Soomaalilaan, lana keeno dhiig cusub iyo maskax firfircoon oo lagu dardar-gelinayo xaqiijinta himilooyinka ummadda reer Soomaalilaan leedahay oo uu ugu horreeyo Ictiraaf keenista. Xisbiga WADDANI waxa uu albaabo cusub u furayaa da’yarta si ay xooggooda maskax iyo muruqba ugu dhisan-lahayeen dalkooda, isaga oo bulsha weynta reer Somalilaan ku hoggaaminaya hiiraal iyo hiigsi midaysan bari, badhtamaha iyo galbeedba.

Barnaamij-Siyaasadeedkan Xisbga WADDANI waxa uu ka dhashay wada-tashi dheer, is-qancin, doodo iyo lafo-gur taxaddar leh, waana mid ku qotoma u-gondo-degga xallinta baahiyaha dhabta ah ee dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka dalkaba. Hiraalka iyo hiigisga barnaamijka Xisbiga WADDANI waxaa udub-dhexaad u ah hirgelinta caddaaaladda ay muwaadiinta Jamhuuriyadda Somaliland u harraadan yihiin, taas oo lagu gaadhayo isbeddelka siyaasadeed ee qotada dheer ee uu xambaarsanyahay Xisbigu. 

Hoggaanka Xisbiga WADDANI waxa uu higsnayaa in qarankeennu ku dhex-yeesho bulshada caalamka karaamo iyo magac u qalma hanka ummaddiisa iyo dhaxalka ay u reebayaan jiilalkooda soo socda.

Tilmaanta Xisbiga ee Magaca, Xarunta, Luqadda, Calanka iyo Astaanta:
  1. Magaca: Xisbigu waa Xisbiga WADDANI ee Somaliland (Somaliland National Party). Magaca waxa loo soo gaabinayaa WADDANI. Mar kasta magaca Xisbiga waxa lagu qorayaa far waaweyn (capital letters).
  2. Xarunta Dhexe (Head Office) ee Xisbiga waa Hargeysa, caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uuna xafiisyo ku yeelanayaa dhammaan dalka JSL waxa kale oo uu laamo ku yeelanayaa dhammaan dalalka kale ee dunida.
  3. Luuqadda rasmiga ah ee Xisbigu waa Af-Soomaali, luuqadaha Carabida iyo Af-Ingiriisigana waa la adeegsan karaa.
  4. Calanka Xisbiga midabkiisu waa LIIMI (Orange) waxaana dhexda kaga qoran WADDANI oo lagu qoray far madow.
  5. Astaanta Xisbigu waa Galaydh (Baas) ku taagan caleen qoyan oo cagaar ah oo hareeraha laga xardhay dushana kaga wareegsan tahay giraan laba liid ahi.