Madaxweynaha la doortay ee Somaliland oo qaabiley Danjiraha Dalka Maraykanka iyo Taliyaha Ciidanka Africom

Tuesday December 03, 2024 - 20:00:17
1 Comments
202
Super Admin
Hargeysa (Xisbiga Waddani) Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal ( Cirro ) ayaa maanta qaabilay Danjiraha dalka Maraykanka Amb. Richard H. Riley iyo Taliyaha Ciidamada AFRICOM Major General Brian Cashman . Ugu horayn Danjiraha Maraykanka ayaa madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyada Somaliland soo gaadhsiiyay dhambaal Hambalyo ah oo uu ka sido dalkiisa .

Intaas ka dib Labada dhinac ayaa  si faahfaahsan uga wada hadlay xidhiidhka qotoda dheer  ee ka dhexeeya Somaliland & Maraykanka iyo sidii xidhiidhkaas loo sii adkayn lahaa
Madaxweynaha la doortey ee Somaliland waxaa uu dawlada Maraykanka u cadeeyay inuu diyaar u yahay sidii uu xidhiidhkaas u sii xoojin lahaa
Danjiraha Maraykanka waxaa kulankaa ku wehelinaayay saraakiil sar sare oo ka mid ah ciidamada Milateriga Maraykanka ee qaaradda Afrika .


kulankaasi waxa Madaxweynaha Jamhuiuriyada Somaliland ku wehelinaayay Madaxweyne ku xigeenka la doortay ee somaliland Amb. Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha la doortay, Cabdiqaadir Saalax Iidle. 

 
  • Cabdisalaan cismaan said:

    Tuesday December 03, 2024 - 21:21:21

    Waa shaqo wacan Ilaahay xilkaa madatiniada Qaranka ha ku garab galo ha u yasiro hana uga dhigo mid ilaahay garabgalo


Leave a comment

You have 350 characters remaining.