Madaxweyne ku xigeenka la doortay ee somaliland oo kulan la yeeshay Haweenka Gobolka Awdal

Thursday November 28, 2024 - 18:27:37
0 Comments
23
Super Admin
Borama (Xisbiga Waddani) Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Jamhuuriyadda Mudane Denjire Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa qaabilay,isla markaana kullan ballaadhan la yeeshay Haween weynaha Gobolka Awdal. Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa uga mahad celiyey, Haweenka doorkii laxaadka lahaa ee ay ka qaateen ololihii doorashooyinkii dalka ka qabsoomay 13-Nov-2024 iyo sidii ay uga qayb-qateen is bedalkii dalka ka dhacay

Dhinaca kale Haween weynaha Gobolka Awdal. ayaa u duceeyey Madaxweyne ku-xigeenka JSL isla markaana Alle uga baryey inuu xilka ku asturo una fududeeyo.

Leave a comment