Madaxweyne ku xigeenka la doortay oo kulan la yeeshay Haldoorka Beesha Muuse Fiin

Tuesday November 26, 2024 - 19:38:29
0 Comments
27
Super Admin
Borama (Xisbiga Waddani) Madaxweyne Ku-xigeenka la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland Amb.Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa kulan gaara la yeeshay Siyaasiyiinta,Waxgaradka iyo Dhalinyarada Beesha Muusafiin ee Beelaha Habar Cafaan (Gadabuursi) ,kuwaas oo salaan iyo duco ugu yimi. kullankaas ayaa waxa ku wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka la doortay Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga muxaafidka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Shide Bille.

Madaxweyne ku-xigeenka dooran ee JSL Mudane Amb Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa uga mahadceliyey beesha doorkii tageero ee ay u muujiyeen Doorashooyinkii iyo doorkii ay ka qateen dhismaha Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka iyo weliba Xisbiga WADDANI
Geesta kale Beesha ayaa dhinacooda u duceeyay Madaxweyne ku-xigeenka la doortay,iyaga oo alle uga baryey inuu xilka ku Asturo .

Leave a comment