Hargeysa (Xisbiga Waddani )Safiirka Dawlada Itoobiya u fadhiya Somaliland Amb Teshoma Shunde Hamito , safiir ku xigeenkiisa iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan safarada Itoobiya ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro .
Safiirka ayaa madaxweynaha cusub soo gaadhsiiyey dhanbaal Hanbalayo ah oo uu ka sidey dawladiisa Itoobiya .
Sidoo kale madaxweynaha cusub ee la doortey iyo Safiirka ayaa kawada hadley xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeya Somaliland iyo Itoobiya .