Hargeysa (Xisbiga Waddani) Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga rejada Shacabka ee Waddani, ahna aas-aasaha Xisbiga Waddani, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),
ayaa Jamaahiirta Isbedel doonka ah maalinta labaad ee ololaha Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani kula dabbaaldegay fagaaraha Beerta xorriyadda ee Magaalada Hargeysa.
Kummannaan iyo Kumannaan ka tirsan taageerayaasha xamaasadda badan ee xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani, islamarkaana ku lebbisan calanka Liimiga ah ee xisbiga iyo Calanka jamhuuriyadda Somaliland, ayaa saaka subaxii hore isugu soo baxay fagaaraha beerta xorriyadda Hargeysa, waxana ay muujiyeen cududdooda taageero iyo u heellanaanta Xisbiga Waddani,
Musharaxa Madaxweynaha, Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay weheliyaan Gudoomiye ku xigeenada Xisbiga, Maayarka Caasimada Hargeysa, Xildhibaano, Gudoomiyaha ololaha Doorashada xisbiga Waddani u qaabilsan gobolka Maroodi-jeex iyo Masuuliiiyiin sare oo tirsan xisbiga Waddani ayaa soo galay fagaaraha beerta xorriyadda oo ilyartu is qabatay, waxana halkaas kusoo dhaweeyey taageerayaasha Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani oo ay ka Muuqatay taageerada ay u hayaan xisbiga Waddani iyo murrashaxiintiisa.
Ugu horray, waxa halkaa ka hadlay, Gudoomiiyaha ololaha Doorashada Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani ee gobolka Maroodi-jeex, Khadar Gardheere oo halkaasi ka hadlay, ayaa u mahadnaqay taageerayaashax isbedel doonka ah ee Xisbiga Waddani waxana uu ugu baaqay in sida ay maanta u muujiyeen taageeradooda ay maalinta codayntana ugu hagar baxaan bixinta codadkooda.
Maayarka Caasimada Hargeysa, Mr. Cabdirkariim Axmed Mooge, oo hadal ka jeediyay Fagaaraha Beerta Xorriyada ee Magaalada Hargeysa, ayaa Jamaahiirta Isbedel Doonka ah ee xisbiga Waddani ku booriyay in ay si balaadhan u shaqeeyaan ilaa maalinta codbixinta Doorashada, codkoodana ku hubsadaan Sanduuqa doorashada, Maayar Mooge, waxa uu ku adkeeyay Jamaahiirta Isbedel doonka in ay Jiif iyo Joog ba u shaqeeyaan, ilaa inta qof waliba uu codkiisa ku keenaayo Isbedelka dhawaan dalka ka dhici doona, codkoodana ay siiyaan Musharaxiinta Xisbiga Waddani.
Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa la hadlay taageerayaasha Isbedel doonka ah, waxanu uga mahad celiyay muujinta cududdooda, waxana uu hoosta ka xarriiqay in xamaasadda iyo is muujintaba lagu yaqaanno Jamaahiirta Isbedel doonka ah ee Xisbiga Waddani.
Wada Jir iyo wax qabad.