Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo Burco kaga qayb galay Taageerayaal Cusub oo ku soo biiray Xisbiga

Wednesday October 23, 2024 - 10:10:55
0 Comments
13
Super Admin
Hargeysa (Xisbiga Waddani) Gudomiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali X Xasan ayaa xalay magaalada Burco kaga qayb galay Xafladda taagerada xisbiga Waddani ee beelaha Badeed Maxamed iyo Colow Maxamed.

Xafladan oo ahayd mid ilyartu is qabatay ayay beelahani sheegen labada codba ay siin donaan musharax Madaxweyne ee Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (cirro) iyo Gudomiyaha Xisbbiga xirsi Cali Xaaji Xasan
Xafladan oo ahayd mid balaadhan  waxa ka soo qayb galay xildhibaanada beesha ,cuqaal,wax garad iyo haween waynaha beelahan.

Gudoomiyaha Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa uga mahad celiyay labada Beelood taageerada balaadhan ee ay la bar bar istaageen xisbiga Waddani, waxanu ku booriyay Gudoomiyuhu in ay codkooda ku hubsadaan xisbiga Waddani,  sido kalena ay u diyaar garoobaan maalmaha loo asteeyay in xisbigu sameeyo ololihiisa doorashada. 


Leave a comment