Kulan lagu dardar gelinaayay u diyaar garowga Maalmaha Ololaha Doorashada ee Xisbiga Waddani oo lagu qabtay xarunta Dhexe

Tuesday October 22, 2024 - 23:56:51
0 Comments
7
Super Admin
Hargeysa (Xisbiga Waddani) Kulan balaadhan oo u dhaxeeyay Xarunta Guud ee Xisbiga Waddani, Gudoomiyaha Ololaha Doorashada ee Gobolka Maroodi Jeex, Degmooyinka Gobolka Maroodi Jeex, Garabada Haweenka, Garabada Dhallinyarada degmooyinka Hargaysa.  ayaa maanta kulan balaadhan ku yeeshay xarunta dhexe ee xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani ee magaalada Hargeysa. kulankan oo  lagu lafo guraayat sidii loogu diyaar  garoobi lahaa Maalmaha Ololaha  Doorashada ee Xisbiga Waddani.

Gudoomiyaha Ololaha Doorashada ee Gobolka Maroodi jeex. Khadar, oo kulankaasi ka hadlay ayaa dhamaan masuuliyiinta kala duwan ee ka soo qayb galay ku booriyay sidii loogu diyaar garoobi lahaa maalmaha soo socda ee xisbigu u leeyahay in uu soo bandhigo ololihiisa, waxa uu sido kale si weyn ugu dardaaray in ay taageerayaashu isku xidhnaadan oo qof waliba uu muujiyo taageerada laxaadka leh ee xibsiga Rejada shacabku uu ku leeyahay Gobolka Maroodi Jeex iyo Magaalada Hargeysa. 


Leave a comment