Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani oo kulan la yeeshay Masuuliyiinta Xisbiga ee Gobolka Gabiley

Tuesday October 22, 2024 - 23:41:49
0 Comments
13
Super Admin
Hargeysa (Xisbiga Waddani) Gudoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Cumar
, ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta xisbiga ee Gobolka Gabiley iyadoo maalmo kooban ay ka hadhsan yihiin qabsoomida Doorashada ayaa xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani waxa uu si weyn isugu diyaarinayaa oo ay masuuliyiinta kala duwan ee xisbigu ay wadaan abaabulka iyo wacyi gelinta shacabka iyo taageerayaasha xisbiga waddani. kulanka oo lagu qabtay xarunta Xisbiga Waddani ee galbeedka  magaalada Hargeysa 

Maxamed Cabdilahi Cumar, Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani ayaa masuuliyiinta sare ee xisbiga waddani ee gobolka Gabiley waxa uu ku booriyay sidii ay u dar dar gelin lahaayeen hawlaha shaqo ee u diyaar garowga Ololaha Xisbiga waddani iyo sidii taageerayaasha Gobolka loogu wacyi gelin lahaa in ay codkooda siiyaan maalinta doorashada Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani. 




Leave a comment