Musharax Cirro oo Xadhiga ka jaray xarunta Ololaha Wada jirka ah ee Xisbiga Waddani iyo Ururka kaah

Monday October 21, 2024 - 22:49:37
0 Comments
26
Super Admin
Hargeysa (Xisbiga Waddani) Musharaxa madaxweyne ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro) ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiiska ololaha ee Guddida isku xidhka ee ururka KAAH iyo xisbiga WADDANI ay ku yeelan doonan magaalada Hargeysa .

xaflad lagu qabtay xarunta cusub ee Ololaha wada jirka ah ee Xisbiga Waddani iyo Ururka kaah, waxa ka soo qayb galay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Gudoomiyaha Ururka kaah, Maxamud Xaashi iyo saraakiil sare oo ka tirsan gudida wada jirka ah ee labada dhinac. 


Musharaxa Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani, ayaa ku bogaadiyay guddida labada dhinac shaqada wacan ee ay qabteen, taasi oo ay ugu horayso gurigan maanta xadhiga laga jaraayo oo noqon doona meesha lagu shaqayn doono, sido kale musharax Cirro waxa uu ku dardaaray in ay laba jibaaraan shaqada ololaha ee wada jirka ah mudada lagu jiro ololaha Doorashada. 

Leave a comment