Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani oo kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub.

Monday October 21, 2024 - 22:25:06
0 Comments
24
Super Admin
Hargeysa (Xisbiga Waddani) Musharaxa Madaxwweyne ee Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

ayaa kulan galabta la yeeshay Safiirka Midowga Yurub Amb. Karin Johansson oo socdaal ku timi Hargeysa.


Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo weftiga ay hogaaminayso Safiirka Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay. Dhinacyada arrimaha Doorashooyinka Dalka, ee dhawaan ka dhici doona Somaliland, oo haatan maraaya Diyaar garowgii ugu dambeeyay, arrimaha Guud ee nabadgelyada iyo badqabka Geeska Afrika.

Musharax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Safiirka uga mahad naqay kaalinta ay Midowga Yurub ka gaystaan Arrimaha Dimuqraadiyada iyo Doorashooyinka Somaliland, oo ay mudo badan gacan ka gaysanaayeen.

Kulankaas waxa Musharaxa kala qayb galay Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani, Khadar Xusen Cabdi, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani, Dr. Maxamed Cismaan Fadal, iyo Cabdiqaadir Saalax Iidle, xoghaya Gaarka ah ee Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani.

Dhinaca Weftiga Midowga Yurub waxa safiirka ku wehelinaayey Ms. Caroline Adriaensen, oo ah Madaxa Iskaashiga iyo Mr. Adnan hagoog. Oo ah madaxa Iskaashiga taageerada Somaliland
 
 
 
 
 


Leave a comment