Al-Fanaan Axmed Zaki oo si rasmi ah ugu soo biiray Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani

Sunday October 20, 2024 - 22:02:52
0 Comments
18
Super Admin
Hargeysa (Xisbiga Waddani) Fanaanka caanka ah ee Axmed Zaki ayaa maanta si rasmi ah ugu soo biiray xisbiga Rejada Shacabka ee WADDANI


Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro) oo galabta kulan gaar ah ku qaabilay fanaanka ayaa waxa uu uga mahadceliyay taageeradiisa uu la barbar istaagi doono xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani

Al Fanaan Axmed Zaki ayaa waxa uu balanqaaday in dedaalkiisa oo dhan uu isugu gayn doono Sidii dalka  uu Isbedel uga dhici lahaa , Musharax Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdilahai Cirro-na Madaxweyne uu uga noqon lahaa .


kulankaasi uu Musharaxu ku qaabiley Fanaan Axmed Zaki, waxa kale oo goob joog ka ahaa Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Saaxil oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Maxamed Dable, Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadheer) iyo Axmed Carab. 

Leave a comment