Siyaasiyiin iyo Aqoonyhano reer Awdal ah oo uu Hogaaminaayo Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ku biiray Xisbiga Waddani

Sunday October 20, 2024 - 21:44:55
0 Comments
15
Super Admin
Hargeysa (Xisbiga Waddani) Cabdiraxmaan Ducaale (Bayle) iyo Aqoonyahano uu hogaaminaayo oo ka soo jeeda Gobolka Awdal
 ayaa maanta shaaciyay inay si rasmi ah ugu soo biireen xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI .

munaasibad kooban oo maanta lagu qabtay magaalada Hargeysa oo lagu shaacinaayay siyaasiyiinta miisaanka culus leh ee ka soo jeeda gobolka Awdal ee ku soo biiray Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani, waxa ka soo qayb galay Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi, Gudoomiyaha Xisbiga waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Mr. Khadar Xusen Cabdi.
Cabdiraxmaan Bayle waxa uu sheegay in saami qaybsiga reer Awdal ka cabanayaan ay xisbiga WADDANI uu ka gudoomay inuu wax ka qabto .
Sido kale Waxa uu cadeeyay  Bayle in Cabdiraxmaan Cirro yahay shaqsiga maanta Somaliland bad baadin kara , marxaladan ay ku jirtana ka saari kara


Leave a comment