Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani oo ka digay Koox Kaadhadhka ka iibsanayaa dadka Isbedelka u Codaynaaya.

Saturday October 19, 2024 - 22:10:12
0 Comments
30
Super Admin
Hargeysa (Xisbiga Waddani) Xoghayaha Guud ee Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani, Khadar Xusen Cabdi
, ayaa ka digay dad la sheegay in ay kaadhadhka cod bixinta ka iibsanayaan dadka muwaadiniinta ah ee ku dhaqan qaar ka mid ah Degmooyinka Hargeysa, ee uu diyaarka ah  in ay Isbedelka u codeeyaan.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani ayaa arrintan ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bartiisa uu ku leeyahay Face-book. 

" Waxa aannu ogaannay in la soo abaabulay koox sida lacago ay kaadhadhka cod bixinta kaga iibsanayaan, dadka isbeddelka u codaynaya.
Kooxahaas waxa si gaar ah loogu soo diray degmooyinka Maxamuud Haybe, Maxamed Mooge, Gacan Libaax, A. Macallin Haaruun, iyo Axmed Dhagax, waxa aanay qofka u sheegayaan in lacagta uu qaato, kaadhkiisana ay ka haynayaan inta la dhaafayo maalinta cod bixinta.
Dadka degmooyinkan waxa aannu ku dhiirrigelinaynaa in ay fiirogaar ah u yeeshaan kana hortagaan dadkaas lacagaha sita oo qaarkood ay garan doonaan, si aynnu dhalinyaradeenna uga wacyigelinno in hunguri lagu iibsado mustaqbalkooda oo dhan.
Arrintaasi waxa ay khatar ku tahay nidaamka doorashada, iyo nabadgelyada, waxaana aannu soo bandhigi doonnaa dadkaas ku lug leh oo aannu ku dabajirno dhammaystirka magacyadooda …” Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI


Leave a comment