Musharax Cirro oo lagu wareejiyay laba Gaadhi oo loogu talo galay Ololaha Xisbiga Waddani

Saturday October 19, 2024 - 20:36:23
0 Comments
23
Super Admin
Hargeysa (Xisbiga Waddani) Musharaxa Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani Dr, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)
 ayaa kala wareegay laba gaadhi oo loogu talo galay in ay ka qayb qaataan Ololaha Doorashada ee Xisbgia Waddani, Ganacsade Axmed Dalmar Ismaaciil iyo Ganacsade Mawliid Yuusuf Xaaji Diiriye oo ka mid ah ganacsatada Somaliland, 

Munaasibada lagula wareegaayay labada gaadhi oo galabta ka dhacday  magaalada Hargeysa, ayaa hadal kooban oo ay ka jeediyeen labadaa Ganacsade ayay ku sheegeen in ay mudada ololaha xisbiga waddani kaga qayb qaadanayaan labadaa gaadhi. 


 Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo lagu wareejiyay furayaashi labada Gaadhi ayaa uga mahad celiyay Labada Ganacsade ee Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani ku wareejiyay labada Gaadhi, si ay uga qayb qaataan Mudada Ololaha Doorashada. 

Leave a comment