Murashax Cabdiraxmaan Cirro oo ka qayb galay Munaasibada Daah Furka Qaadhaan ururinta Casriga ah ee Xisbiga Waddani

Saturday October 19, 2024 - 20:00:20
0 Comments
20
Super Admin
Hargeysa (Xisbiga Waddani) Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani, Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro )
 ayaa Ka Qayb galay Munaasibadda Daahfurka Qaadhaan-Ururinta Casriga ah ee Xisbiga rejada Shacabka ee Waddani. 

Mubaasibada oo caawa ka qabsoontay magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta sare ee Xisbiga Rejada shacabka ee waddani oo uu ka mid yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga, Khadar Xusen Cabdi, Siyaasi Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Xoghayayaal, Xildhibaano iyo Masuuliyiin sare oo ka tirsan Xisbiga Waddani 


Munaasibadan Oo ahayd Mid Si Wayn Loo Soo agaasimay waxa Sidoo Kale ka qayb galay Maayarka Caasimada Hargeysa, Cabdikariim Axmed Mooge. 

qaar ka mid ah masuuliyiintii ka qayb galay munaasibadaasi ayaa goobta kaga dhawaaqay qaadhaan lacageed oo ay kaga qayb qaaadanayaan Ololaha Guud ee Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani. 


Leave a comment