Xildhibaano Caawa si Rasmiya ugu biiray Xisbiga Rejada Shacabka ee Waddani

Friday October 18, 2024 - 01:50:14
0 Comments
13
Super Admin
Hargeysa (Xisbiga Waddani) caawa waxa si rasmiya ugu biiray xisbiga WADDANI
Xildhibaan Eng Saleeban Axmed Carab oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somalland , Maayar ku xigeenkii hore oo Degmadda Burco Dr. Mukhtaar Cabdi Baaryare iyo Xildhibaan Khaalid Xassan X . Diiriye oo ka tirsan Gollaha Deegaanka Burco .

Xildhibaanadan ayaa dhamaantood ka tirsanaa Xisbiga Kulmiye , waxaana ay caawa si rasmi ah ugu biireen xisbiga WADDANI .

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro) iyo Gudoomiyaha xisbiga WADDAN Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa si wada jir ah u qaabilay Xildhibaanadan isla markaana uga mahad celiyay inay ku soo biiraan xisbiga wakhti aad loogu baahan yahay cududooda iyo garab isatagooda xisbiga.

Leave a comment