Waxaa lagu soo dhaweeyay Baashe Cabdi Gaboobe oo dhawaan Xisbiga Waddani u Magacaabay Xog-hayaha Arimaha Gudaha. Waxaa kulanka ka soo qayb-galay maamulka Gobolka ee Xisbiga & Degmooyinka hoos yimaad, Xog-hayaha Qorshaynta ee Xisbiga Xamse Khayre, Xoghahaya Xanaanadda Xoolaha Dr Ahmed Shukri, Xoghaye-ku-xigeen Cabdirisaaq Huuno, Gudoomiye Ku Xigeenka Garabka dhalinyaradda Buuni cabdi, & Xoghaye Bookh.
Waxaa kulanka ka soo qaybgalay masuuliyiin kale oo ka mid yahay aqoon yahayn Cabdiqani Daahir Ismaaciil, Mukhtaar M. Xasan, Xildhibaan hore Mustafe Sayid, Xildhibaan Cabdi Cali & Xildhibaan khaalid iyo Waxgarad kale oo Waddaniyiinta reer Gabiley.