TACSI Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, waxgaradka,waayeelka, asxaabta, Xisbiga UCID iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Prof Qaasim Sh Ibraahim Tubeec oo caawa ku geeriyooday magaalada Boorama

Wednesday September 16, 2020 - 22:21:25
0 Comments
591
Xisbiga WADDANI

TACSI

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka, fulinta, garabbada dhallinyarada iyo haweenka ee Xisbiga WADDANI waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehelada, waxgaradka, waayeelka, asxaabta, Xisbiga UCID iyo guud ahaan Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Prof Qaasim Sh Ibraahim Tubeec oo caawa ku geeriyooday magaalada Boorama.

Guddoomiyuhu wuxuu Marxuumka ku sifeeyay in uu ahaa addoon wanaagsan oo samo-talis ah, islamarkaana muddadii uu xisbiga WADDANI ka mid ahaa iyo hadda oo uu ahaa guddoomiye ku xigeenka xisbiga UCID ku astaysna masuul hawl kar ah oo hufnaan iyo shaqo wanaag ku sifoobay.

Guddoomiyuhu wuxuu Illaahay uga baryaya Marxuumka in uu su'aasha u fududeeyo, una dambi dhaafo, Jannatul Firdowsana ka waraabiyo, ehelka, qaraabada, xisbiga UCID ee uu ka tirsana, asxaabta iyo Qaranka uu marxuumku ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

إنَّا لِلّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعون

Af-hayeenka Xisbiga WADDANI

Barkhad Jaamac Batuun






Leave a comment